Siciid Deni ayaa shuruudo adag dul dhigey mashaariicda laga fulinayo Puntland

26 Okt 2023 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Puntland ee muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay Siciid Deni ayaa shuruudo adag dul dhigey mashaariicda laga fulinayo deegaannada Puntland, ka dib markii mashaariicda caalamka la hoos geeyey Dowladda Federaalka.

Shirka Golaha Wasiirrada ayuu madaxweynuhu wuxuu hey’adaha dowladda faray qodobadan;

1. Mashruuca horumarinta ee Puntland laga fulinayo waa in Puntland laga maamulo (PCU)

2. Qoondada Puntland ee Mashruuca waa in ay ku caddahay heshiiska fulinta

3. Maamulka iibka (procurement) mashruuca waa in ay masuul ka yihiin Maamulka mashruuca ee Puntland

4. Hantidhawraha Guud ee Puntland waa inuu masuul ka yahay mashruuc kasta ee ka fulaya Puntland

5. Lacagta mashruuc kasta waa in lagu maamulo khasnadda mideysan ee Dowladda Puntland (TSA) iyada oo la isticmaalayo Bangiga Dowladda Puntland. Lacgtuna toos ugu soo dhacdo (Fund Flow).

Siciid Deni ayaa waxaa muddo xileedkiisii ka haray laba bilood iyo maalmo, waxay Puntland gashaa doorasho soo xulista Xildhibaanada 1da november ilaa laga dooranayo madaxweynaha iyo kuxigeengiisa 8da janaayo.

About The Author