Dawladda Kenya “Somaliland waxaan u aqoonsan nahay dawlad gobaleed kamid ah JF Soomaaliya”

26 Okt 2023 (Puntlandes.com) Dawladda Kenya oo ka jawaabaysa Xaashi uga tagtay Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya oo lagu dalbanayay in la cadeeyo jagada iyo shaqada uu qabanayo Abdiweli Muhamad Xuseen oo ay maalmo kahor Kenya u magacowday in uu u fariisto magaalada Hargeysa ayaa hadda sheegtay in Cabdiweli yahay Qunsul guud.

Dawladda Kenya ayaa Xaashideeda ku caddaysay inaysan u aqoonsaneyn Somaliland dal ee ay u aqoonsan tahay Dawlad goboleed ka tirsan JF Soomaaliya.

Xaashida Kenya ayaa waxaa lagu yiri “Somaliland waxaan u aqoonsan nahay maamul gobaleed kamid ah Jamhuuriyada Federaaliga ah ee Soomaaliya”

About The Author