Baarlaamka Puntland: Ajandaha Kalfadhiga 53aad oo la shaaciyey & ……..

28 Okt 2023 (Puntlandes.com) Gudoonka Golaka Wakiilada Puntland ayaa shaaciyey Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 53-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Baarlamaanka Puntland oo kalfadhiga bisha oktoober ee xili doorashada uu ku egyahay 31da oktoober ayaa inimka u muuqda mid si u shaqaynaya iyadoo aysan ahayn xili doorasho.

Qodobo xasaasi ah ah ayaa ku jira Ajendaha oo ay ka mid tahay arimaha siyaasadda iyo doorashooyinka iyo ansixinta Xeerarka Xukuumadu soo gudbiso kuwaas oo la filayo inay yihiin kuwo doorashada Xildhibaanada iyo dastuurkii labedelay oo laga dhigtay in madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa la dooran doona.

Bisha november Puntland waxay aadi jirtay doorshada iyo laga bilaabayo soo xulista Xildhibaanada, waxaana madaxweynuhu magacaabi jiray guddiga Ansixinta iyo Khilaafaadka Xildhibaanada todobaadka ugu horeeya bisha November.

About The Author