Dallada mucaaradka Puntland oo War-saxafaadeed ka soo saartay Colaada uu Abaabulayo Madaxwaynaha wakhtigiisu Dhamaaday

30 Okt 2023 (Puntlandes.com) Dallada mucaaradka Puntland ayaa war-saxafaadeed ka soo saartay Colaada uu Abaabulayo Madaxwaynaha wakhtigiisu Dhamaaday ee Puntland Siciid cabdulaahi Deni.

Dallada ayaa ugu baaqday taliyayaasha Ciidamada Puntland inay dhexdhexaad noqdaan, waxay warsaxaafadeedka ku tiri “Dalladu iyadoo ka duulaysa kuna taagan qodobada Dastuurka ee kala ah : Qodobka 2aad farqadihiisa 1 iyo 2, qodobka 58aad, qodobka 86aad iyo qodobka 128aad farqadiisa 1aad
oo dhammaan ka hadlaya saraynta sharciga, u sinaanta sharciga, kala soocnaanta hay’adaha dowladda, ciidamadda amniga iyo saraakiisa dowladdu ay ka madax banaan yihiin siyaasadda, Hadaba Dalladdu waxay ugu baaqaysaa taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland, inay ilaaliyaan sharciga, sumcadda wanaagsan iyo taariikhda fog ee ciidamadu ku suntanaayeen”

Sidoo kale Dallada ayaa cadaysay wixii iska hor imaad ah ah ee dhaca inuu masuulideeda leeyahayn Siciid Deni waxay tiri “Dalladu waxay markale ku celinaysaa in colaad kasta oo Puntland ka dhacda xiligaan uu
masuuliyadeeda qaadi doono Saciid Cabdullaahi Deni isla-markaana lagula xisaabtami
doono isaga iyo cidii kale ee gacan ku siisa”

About The Author