XOG: Wasiirkii hore ee Waxbarashada PL oo looga yeeray Gaalkacyo, yaa u yeeray?

19 jun 2015 (Puntlandes) Wasiirkii hore Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa sida ay Warbaahinta Puntlandes ogaatay waxaa looga yeeray magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay u yeereen Kooxda uu Hogaamiyo Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare. Kooxdan oo walwal uu la soo darsay waqtiyadii dambe ayaa waxay ka walwalsan tahay in laga qaado Isbaarada Gobolka Mudug iyo xaruntiisa u taala.

136b
Bidic: Dhagaweyne & GAADAYARE

Kooxdan waxaa xukuma Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare oo ku magacaaban Agaasimaha Idman ee Wasaarada Maaliyada ee Gobolka Mudug laga soo bilaabo desember 1999 kii (16 sano ayuu xilka hayaa) laakiin ah Di Facto ninka xukuma Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo. Mr Gaadayare waxaa ku xiga Siciid Cabdiraxmaan Yuusuf  Dhagaweyne oo ku magacaaban Maareeyaha Abdulahi Yusuf Airport laga soo bilaabo may 1991 dii (25 sano ayuu xilka hayaa) ahna ninka labaad ee Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo.

Kooxdan waxaa la soo darsay Seexan waa todobaadyadii dambe kadib markii ay soo baxday inuu Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas qorshaynayo inuu xilka ka xayuubiyo KOOXDAN ay la tahay inay iyagu Gobolka Mudug leeyihiin. Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri maruu arrintan ka hadlayey Mas’uul geed meel ka baxay ah ma jiro waana la bedelayaa kii loo arko inay lagama maarnaan tahay.

 

Shacabka Gobolka Mudug oo ah dad aad iyo aad dawladnimada u jecel ayaa waxay sugayeen inay timaado maalin Kooxdan lag hor dhaqaajyo, iyagoo ogsoon inay Kooxdani Isbaaro u dhigatay Horumarkii Gobolka Mudug gaari lahaa iskana horkeenay dadka walaalaha ah ee Gobolka Mudug.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Kooxdan ay qabanayeen shirar ay Taageerayaashooda ku kicinayeen waqtiyadii u dambeeyey, ayaa waxay ka dalbadeen Wasiirkii hore Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cali Xaaji Warsame inuu Safarkiisa Dibada uu ku marayey soo gaabiyo deg degna ku yimaado Gaalkacyo iyagoo qorsheeyey inay shir kicin iyo abaabul ah ku Qabtaan sidii Caadada u ahayd Tuulada GODOD si ay uga hortagaan inay lumiyaan Isbaarada u taala Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo. Cali Xaaji waa uu ka aqbalay wuxuuna hada ku sii jeedaa Gaalkacyo si uu uga gudbo Tuulada GODOD.

Wasiirka Deegaanka Cali Cabdullaahi Warsame

131c

Kooxdan iyo Taageerayaashoodu waxay saareen cadaadis Xun Wasiirka Deegaanka Cali Cabdullaahi Warsame oo dhawaan uu madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu magacaabay iyagoo ku cadaadiniya inuusan qaadan Xilkaas loo magacaabay. Waxay kaloo dadka ku kicinayaan waxaa lagu xadgudbay 4,5 tii ay Beelaha Puntland wax ku qaybsan jireen. Waxay kaloo doodooda ku darayaan inuu madaxweyne GAAS meel uga dhacay Gobolka Mudug isagoo xaqiray saamigii Gaalkacyo waa siday hadalka u dhigayaane.

Mr Gaadayare iyo Dhagawayne waxay ka soo jeedaa jifo Beelaha Cumar Maxamuud ka tirsan haddii beelo laga hadlayo, Beesha Cumar Maxamuudna waxaa ka soo jeeda madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas (Affeef waa haddii beelo laga hadlayo), hadaba maxay tahay 4,5 ta la sheegayo? maxay tahay Gaalkacyada uu Gaas ku xadgudbay? Maxay ku xun tahay Wasaarada Deegaanka oo wasiirka loogu cadaadinayaa inuusan qaadan?

Isku soo duuboo waxaa cad inay maalmo koobani u hartay Isbaaradii Mudug u taalay Kooxda Gaadayare ayna ku jiraan rafashadii ugu dambaysay, waxaan oo dhamina ay yihiin Kooxda Gaadare oo Boor isku qarinaysa, iskuna dayeysa inay badbaadsadaan ISBAARADOODA.

Xafiiska gaalkacyo ee Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author