Warsaxaafadeed Dallada Mucaaradka Puntland oo Taageertey Go’aanka isimadda Puntland.

01 Nov 2023 (Puntlandes.com) Dallada Mucaaradka Puntland oo warsaxaafadeed soo saaratay ayaa ku taageertey Go’aanka isimadda Puntland ka soo saareen xalinta khilaafkii ka jiray doorashada Puntland.

Dallada Mucaaradka Puntland ayaa warsaxaafadeedka ku yiri “Dalladdu Mucaaradka Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanada ay soo saareen Isimada dhaqanka Puntland kuwaas oo ay u arkeen xal looga baaqsankaro qalalaase siyaasadeed, amni iyo fowdo ka dhalata muddo kororsiga sharcidarrada ah ee xukuumaddu samaysatay”

Dallada ayaa madaxweyne Siciid Deni ugu baaqday inuu aqbalo waxayna ku tiri “Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa Xukuumadda waqtigeedu gabaabiska yahay inay aqbasho go’aanka Isimada oo ah marjaca Puntland”

About The Author