Sawirro: Gaalkacyo oo daad ku rogmaday, meeyey doorkii dawladda Puntland?

05 Nov 2023 (Puntlandes.com) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ku rogmaday qaar kamid ah xaafadaha magaalada biyo aad u badan.

Biyihu ama Daadkaan ayaa ku yimid kadib Roobab mahiigana oo saacado badan ka da`ayey magaalada iyo hareeraheeda.

Guryo badan ayaa biyo-galeen, iyadoo dad badan ka barakaeen guryahoodii balse waxa jira qoysas badan oo danyar ah oo gurmad deg deg ah u baahan.

Guryo badan ayaa ku dumay kuwa kalena waxaa looga qaxay Biyo soo galay oo aad u badan. Waxaa la saadaalinayaa inay Roobobku sii socon doonaan, wax gurmad ahna wali ma aysan samayn Xukuumadda Siciid Deni oo shaqadeedu ay ku soo koobantay inay shacabka ka gurato canshuur waxna aysan u qaban.

About The Author