Muuqaal: Baarlamaanka Puntland oo Xukuumadda Siciid Deni usoo gudbisay Miisaaniyadda 2024, taasoo….

05 Nov 2023 (Puntlandes.com) Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa u gudbisaay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland si ay u ansixiyaan Miisaaniyadda sannadka 2024, taas oo ah mid aan horay u dhici jirin in Baarlamaanku fadhi yeesho 5ta november dhamaadka muddo xileedkiisa.

Baarlamaanka ayuu Fadhiga furma 25ka Oktoober waxa uu u xirmi jiray 3 Oktoober iyagoo ansixin jiray 3 bilood oo kaliya.

Miisaaniyada ay ansixiyeen Sannadka 2024-ka ayaa dhan $387,550,700, ( Saddex boqol sideetan iyo todoba malyan , shan boqol iyo konton kun iyo todobo boqol oo dollar) iyadoo ku sheegtay Wasaaradda Maamilyaddu inuu jiro koror Miisaaniyad oo ah 3% (Boqolkiib seddex) marka la bar-bar dhigo miisaaniyadii sannadkii hore.

Mudane Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ku shaqaynaya amarka madaxweynaha muddo kororsiga wata Siciid Deni ayaa  sidii caadiga ahayd u wata fadhiga Baarlamaanka iyadoo la inkirayo in muddo xileedku dhamaad yahay doorashana la aado.

About The Author