Dallada Mucaaridka Puntland “Dalladu waxay shacabka Puntland, DFS & hay’adaha caalamiga ugu baaqaysaa in si deg-deg ah loogu gurmado shacabka Gaalkacyo”

05 Nov 2023 (Puntlandes.com) Dalladu waxay la qaybsanaysaa xaaladda bani’aadantinimo ee ka dhalatay roobabki Dayrta xooganaa ee duufaanada watay oo mudada dheer ka da’ayey magaaladda Gaalakacyo sababayna khasaaro baaxad weyn.

Dalladu waxay shacabka Puntland, Dowladda Federaalka iyo hay’adaha caalamigaa ugu baaqaysaa in si deg-deg ah loogu gurmado shacabka magaaladda Gaalkacyo.

Dalladu waxay nasiib-darro u aragtaa in MD. Saciid Cabdulaahi Deni iyo xukuumadiisa ee uu muddo xileedkoodu dhamaadka sii yahay ay ku mashquulsantahay muddo korarsi, hurin colaad iyo safaro tamashlayn ah halka muwaadiniintii Puntland ay xaalado adag ku sugan yihiin.

About The Author