Maxaa Gaalkacyo ka reebay Garowe & Bosaso?

06 Nov 2023 (Puntlandes.com) Magaalada Garowe waxaa ka hir galay in ka badan 25km oo laami ah, waxaana ku baxay ku dhawaad dhowr iyo labaatan milyan oo dollar.

In badan ayuu Madaxweyne Deni damaaciyay inuu duqa degmada Garowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) xilka ka qaado laakiin wuxuu u dhaafi waayay waxgaradka magaalada maadaama ay ku qanacsanayeen wax qabadka maayirkooda. 

Bosaso waxaa ka hirgalay intii uu xilka hayey Mashaariicda kala ah mashruuc koronto, mid biyood, balaarinta Dhabaha Diyaaraduhu ku ordaan ee Garoonka Diyaaradaha iyo jidad aad u faro badan, sidoo kale waxa dhismahoodu socdaa Balaarinta Dekedda, Terminalka Garoonka diyaaradaha iyo Hotelka Garoonka.

Magaalada Gaalkacyo oo ah magaalo aad muhiim ugu ah Puntland iska daa in xukuumadda Deni ka samayso mashaariic horumarineede waxay horjoogsatay oo cagta saartay dhismihii Garoonka diyaaradaha ee ay Xukuumadii hore heshiiska kula gashay shirkadda China Civil Engineering Construction Corporation (CCECC) oo horay usoo dhistay Garoonka Bosaso.

Xukuumadii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxay kula heshiisay shirkadaas inay Gaalkacyo ka dhisto Garoon Diyaaradeed oo Caalami ah, iyadoo bixisay dhaqaale badan oo ku baxaya wajiga koowaad kaas oo kaooban Silig lagu wareejiyo dhulka Garoonka.

Garoonkas waxa diiday inuu hirgalo madaxweyne Deni, iyadoo Siligii lagu wareejiyey la rartay oo loo qaatay meelo kale, Ciidankii ay ugu tagtay xukuumadii horena wuxuu Siciid Deni ka qaaday bilowgii muddo xileedkiisa.

Marka loo barbar dhigo Garowe iyo Bosaso, Magaalada Gaalkacyo in biyo qaadaan iskama imaan ee waa qaabka loo maamulay intii uu Deni madaxweynaha ka ahaa Puntland.

Dadka Gaalkacyo ku nool ee daadka dhex jiifa ma is waydiiyeen waxay Deni ku caashaqeen.

Siyaasadda carada ku dhisan ee Madaxweyne Deni, Puntland waxay dhaxalsiisay inay istaagaan dhammaan mashaariicdii horumarineed ee ka imaanayay Bangiga Adduunka iyo Hay’adaha Caalamiga ah.

Marka laga soo tago dagaalladii lagu hoobtay ee uu Deni ka riday Bosaso iyo Garowe iyo waliba kii uu gaalkacyo ka sameeyey, waa laga baaqsan karay sida looga  baaqsan karo dagaal kale oo Puntland ka dhaca marka la eego damaca dayaysan ee Madaxweyne Deni.

Sideese Puntland u ekaan doontaa haddii Deni sii fadhiyo kursiga looga taliyo?

Hoos ka eeg sawiradda Bosaso, Garowe, Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo oo Silig lagu wareejinayo iyo magaalada Biyaha ku rogmaday:

About The Author