DHEGAYSO: Cali Xaaji ”Waxaa jiray kala aragti duwanaan aniga iyo madaxweynaha dhexdeena”

20 jun 2015 (Puntlandes) Wasiirkii hore ee Waxbarashada & Tacliinta Sare ee Puntland Cali Xaaji Warsame oo maanta Garowe dib ugu soo laabtay oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaaladaas ayaa wuxuu ka dalbaday madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas inuu fuliyo hanaanka Xisbiyada badan ee Puntland.

Cali Xaaji ayaa wuxuu kaloo ka hadlay maamulka ay garwadeenka ka tahay DFS ee ka socda Degmada Cadaado isagoo ku eedeeyey DFS inay ka leexatay wixii lagu wada hehiiyey oo ku saabsanaa maamulka loo samaynayo Koonfurta Mudug iyo Galgaduud. Cali Xaaji ayaa ku tilmaamay sasiibdaro inay sheegtaay ilaa iyo meel ku dhow Buurtinle.
Cali Xaaji ayaa wuxuu kaloo ka hadlay wararka sheegaya in maanta dadwaeyne soo dhawayn lahaa isaga laga hor istaagay isagoo ku tilmaamay arrin nasiib xumo ah.
Cali Xaaji ayaa mar la waydiiyey inuu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas wuxuu ku jawaabay waa jirtaa kala aragti duwanaan aniga iyo madaxweynaha noo dhaxaysay.

136a

Cali xaaji ayaa waxaa looga yeeray oo laga sugayaa Magaalada Gaalkacyo halkaas oo taageerayaashiisu uga diyaarinayeen soo dhawayn balaaran kadibna uu shir uga furmi doona TUULADA GODOD. Sida ay warbaahinta Puntlandes horey u shaacisay waxaa Gaalkacyo iyo Shirka GODOD ugu yeeray Cali Xaaji Kooxda uu madaxda ka yahay Maxamuud Cali Yuusuf GAADAYARE

Dhagayso Shirkii Jaraa’id ee Cali Xaaji


Puntlandes.com

About The Author