Amiir Maxamuud oo taageeray go’aannadii Isimada Puntland shirkii Garowe ee arrimaha doorashada

07 Nov 2023 (Puntlandes.com) Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo kamid ah Isimada Puntland ayaa qoraan uu soo saaray ku soo dhaweeyey go’aannadii ka soo baxay Shirkii Isimada Puntland ee Garowe, iyagoo goaano ka gaaray arrimaha doorashada Puntland ee khilaafku ka taagnaa.

Amiir Maxamuud ayaa sheegay in uu ayidsan yahay go’aanka isimada dhaqanka ee ku shiray Garoowe ay ka soo saareen arrimaha doorashada madaxtinimada Puntland ee 2024.

Amiir Maxamuud ayaa qoraalka ku yiri ”Go,aamadii ka soo baxay Issimadii madashaas fadhiyay wuxuu ku salaysnaa hal qodob oo ah inay dhacdo doorasho nabad ah wakhtigeediina dhacda, waa tii waajibka iyo sunnaha ku ahayd dhaman dowladihii soo maray mandiqada.

Waxaan ayidayaa go,aankaas ku fadhiya maslaxada iyo garashada saliimka ah ee aan waxba ka tagin, Waxaanan soo jeedinayaa in la wada qaato.”

About The Author