Dhagayso-Akhriso: Dowladda Puntand oo ka hadashay Qadiyadda G Mudug ”goor Xeero iyo Fandhaan kala dhaceen”

137b

20 jun 2015 (Puntlandes)  Dowladda Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa cadeysay mowqifkeeda ku aadan arrimaha Gobolada dhexe iyo Nidaamka Federaliisimka Soomaaliya.

Afhayeenka xukuumada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraanjecel oo shir jiraa’id ku qabtay madaxtooyada ayaa sheegay inay DFS ka mas’uul ka tahay cawaaqib xumada ka dhalata shirka ka socda Degmada Cadaado.

Aqoonyahano ka ay wax ka waydiisay Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay sheegeen in go’aankani yahay mid soo dhawayn mudan uuna wanaagsan yahay laakiin uu ka soo daahay waqtigiisii.

Waxaa xusid mudan inay Warbaahinta Puntlandes isku hawshay ka hadlida iyo wacyigelinta dadwaynaha ee ku saabsan Qadiyadan laakiin dawlada GAAS ay dhagaha ka furaysatay.

Dhagayso Afhayeenka xukuumada Puntland

 

Akhriso warsaxaafadeedka dowladda Puntland

 

137

137a

Puntlandes.com

 

About The Author