Akhrisi DFS & Galmudug, Hirshabelle, KG & Jublanad oo ku heshiiyey qaybsiga Booliska labada heer

09 Nov 2023 (Puntlandes.com) Shirka hirgalinta heshiiskii qorshaha amniga Qaran oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay ayey Dawladda Federaalka iyo dawladda xubnaha ka ah ee kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed & Jublanad waxay ku heshiiyey qaybsiga Booliska labada heer.

Shirka ayey waxay ku qaybsadeen 40 kun oo Booliska labadiisa heer ah, iyagoo u qaybsaday 20 kun waxa qaatay dawladda Federaalka iyo gobolka Banaadir waxaan laga soo qorayaa dalka oo dhan.

Sidoo kale dawlad goboleedyada ayaa iyaguna waxay qaateen 20 kun oo Boolis ah iyadoo midiiba ay qaadatay 4 kun.

Heshiiskan ayaa waxaan qayb ka ahayn dawladda Puntland oo aan aan ka qaybgelin shirka noocaan oo kale ah.

Min 4 kun oo dawlad Goboleedyada iyo DFS oo 20 kun ah waa tiro aad u badan oo aysan qaadi karin Soomaaliya loona ahayn dhaqaale iyo qalab.

About The Author