Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay khilaafka ka jira doorashada Puntland

15 Nov 2023 (Puntlandes.com) Cumar Cabdirashiid oo laba jeer Raysal Wasaare soo noqday ayaa waxa uu ka hadlay khilaafka ka jira doorashada Puntland oo ay ahayd inay dhacdo 8da jaanyp 2024ta.

Cumar Cabdirashiid ayaa qoraal ku yiri “Xiisadda doorasho ee aan caddeyn ee Puntland ka jirta ee labada nidaam doorasho ee is barbar socda, kaliya waxay soo saari doonaan natiijo la isku heysto, xiisad iyo ugu danbeyn awoodda oo la isku qabsado.

Keliya waxaa looga gudbi karaa; nidaamka la isku waafaqsan yahay oo leh waqti go’an , kaasi oo keeni kara natiijo la isla oggalyahay iyo in si nabbad ah awoodda la isla kala wareego, waqtigii la dhaqangalin lahaana taasna waa hadda.”

About The Author