Ururada Siyaasadda Puntland ee isku mari là nooca doorasho ee Puntland….

16 Nov 2023 (Puntlandes.com) Ururada Siyaasadda Puntland ayaa isku-mari la’ doorashada qof iyo cod, iyadoo Ururada la baxay SIM (Sincad, Ifiye iyo Mustaqbal) ay ku adkaysanayaan in doorashadu noqoto mid Baarlamaani ah oo dadweynuhu doortaan xildhibaannada Baarlamaanka, madaxweynaha iyo kuxigeenkana uu doorto Baarlamaanka.

Dowladda iyo ururkeeda Kaah ayaa dhankooda ku adkeysanaya in shacabku diiwaangashan ay doortaan xildhibaan, madaxweynaha yo kuxigeenkiisa.

Laba cisho oo Ururadu Garowe ku kulansan yihiin weli waxba kuma heshiin, waxaana doodda ugu adag ka taagan tahay nooca wacyigelin ee ay samaynayso Guddiga Doorashada (PEC) maadaama aan laysku waafaqsanayn nooca doorasho.

Deni wuxuu doonayaa doorasho qof iyo cod oo guud, Ururada SIM waxa ay rabaan mid Baarlamaani ah, siyaasiyiinta mucaaridka ee Garowe saldhigga u yahayna doorashadii hore ayey doonayaan si ay xiligeeda u dhacdo.

About The Author