Muuqaal: MD Deni oo caddeeyey inuusansan ka weecanayn muddo kororsiga uu qorsjaystay!!

17 Nov 2023 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo ay qado u sameeyeen deegaanka Caanoyaskax ee duleedka Garowe ayaa ugu horayn caddeeyey inuusan ka weecanayn wadada uu goostay ee uu ku sheegay qof iyo cad laakiin ah muddo kororsi.

Sidoo kale wuxuu si boor isku qarin ah ugu baaqay mucaaradka ka aragtida duwan inay wadahadal iyo garnaqsi ka yeeshaan hannaanka doorashooyinka Puntland ee uu wado, isagoo shacabkana ugu baaqay nabadgelyo, midnimo iyo dimoqraadiyad ay ku doortaan hogaankooda.

Sidoo kale Deni ayaa cafis u fidiyey Gen Jimcaale iyo ciidamadiisa oo uu horay ugu eedeeyey inay galeen dambiyo kadib markii ay ku amardiideen.

Siciid Deni ayaan u muuqan inuu doonayo in doorashada Puntland ku qabto waqtigeedii 8da janaayo 2024ta, isagoo wali ku dhegen inuu muddo korsi sameeyo kadibna tosho Shaati le`eg taas oo ah mid aan u cuntamayn shacabka Puntland.

About The Author