Dugsiyada Garowe & jaamacadaha oo fasax la galiyey

19 Nov 2023 (Puntlandes.com) Dugsiyada waxbarashada, jaamacadaha qaar iyo shaqooyinka qaybtood ayaa maanta fasax ah, ka dib dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeya ciidamada daacadda u ah mucaaridka iyo Dowladda.

Siyaasiyiinta mucaaridka ayaa xalay xukuumadda Puntland ku eedeeyey in ay caasimadda ku soo daadguraynayso ciidamo ay Bosaso ka keentey, saakana waxa la arkayaa ciidamada taabacsan mucaaridka oo lagu arkay kaantaroolkii hore ee galbeed.

Tani waxa ay imanaysaa xilli Baarlamanka Puntland uu todobaadkaan u madlan yahay meelmarinta xeerka doorashooyinka qof iyo cod, taasi oo wadada u xaaraysa muddo kororsi uu sameynayo Siciid Deni.

Madaxweyne Deni ayaa doraad sheegay hadalo kala horjeedo isagoo sheegay inuu wadahadal diyaar u yahay sidoo kalena wuxuu caddeeyey inaaysan ka laabanayn doorashada uu wado ee qof iyo cod.

Madaxweyne Deni ayaa caasimadda Puntland ee Garowe wuxuu xalay ku soo daadgureeyey ciidamo badan iyo Tekniko uu ka keenay Bosaso.

About The Author