Sawirro: Qax ka bilowday Garowe & Hay’adahii Caalamiga oo ka baxay

19 Nov 2023 (Puntlandes.com) Goobihii waxbarashada iyo goobihii kala duwanaa ee loo shaqo tagi jiray ayaa irdaha loo laabay magaalada garowe kadib cabsi dagaal ka dhashay markii madaxweynaha muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay uu Ciidamo badan keenay magaalada.

Ciidamo taabacsan mucaaridka ayaa iyaguna difaacyo ka xirtay qaybo ka mid ah magaalada iyo koontaroolka hore ee galbeedka.

Shacab aad u faro badan ayaa xalay ilaa saaka ka qaraxaya magaalada iyoo u qaxay deegaano ay daadadkii Roobabku saameeyeen.

Shaqaalihii UN-ka iyo Hay’adahii kale ee Caalamiga ahaa ayaa Garowe isaga baxay iyagoo ka cabsi qaba dagaal ka curta.

Madaxweyne ayaa waxaa u qorshaysan todobaankaan inuu Baarlaanka ka ansaxsado Xeerarka doorashooyinka ee uu ku helayo muddo kororsiga, isagoon wax dan ah ka lahayn khasaaraha nafeed iyo barakaca ka dhalanaya.

Dugsiyada Garowe & jaamacadaha oo fasax la galiyey

About The Author