Fadhigii Barlamaanka ee Siciid Deni mudo Kororsi loogu samaynayey oo baaqday!

19 Nov 2023 (Puntlandes.com) Fadhigii Baarlamanka Puntland ee Isniinta berri ah loo balansanaa ayaa gebi ahaanba la baajiyay, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa lagu wargeliyay in gebi ahaanba la baajiyay Fadhiga oo looga doodi lahaa wax-ka beddelka Xeerka doorashooyinka qof iyo cod oo xukuumaddu soo gudbisay.

Xogaha ayaa sheegaya in xaalado amni dartood fadhiga dib loo dhigay ilaa Khamiista todobaadkaan, kadib markii magaalada Garowe laga dareemay xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo ka dhashay muranka doorashooyinka ee madlanaa in madaxweye iyo kuxigeen lagu doortay 2024.

Xiisadda ayaa sidoo kale dhalisay in shacab badan ka bara-kacaan xaafadaha caasimadda Garoowe, iyadoo cabsi laga qabo in dagaal ka qarxo magaalada maadaama ay is hor-fadhiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta Mucaaridka ah.

About The Author