Golaha amaanka oo qaaday cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saarnayd

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa u codeeyay in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Kulan ay yeesheen xubanaha golaha ammaanka ayaa 14 waxa ay oggolaadeen in laga qaado cunoqabataynta hubka dalka Soomaaliya halka dowlada Faransiiska ay ka aamustay.

Go’aankan ayaa u ogolaanaya Soomaaliya in ay hesho qalab ciidan oo culus iyo hub wax dila. Xayiraadda ayaa saarnayd tan iyo 1992-kii.

About The Author