Lataliyihii Madaxweynaha Puntland “Siciid Deni doorasho ma wado ee wuxuu wadaa muddo kororsi 2 sano ah”

05 Dec 2023 (Puntlandes.com) La-taliyihii Madaxweynaha Puntland ahaana “saaxiibkii ugu dhawaa” Cabdirisaaq Gaawiido ayaa ka soo horjeesedey muddo kororsiga uu wato Siciid Deni.

Cabdirisaaq Gaawiido ayaa yiri ”Madaxweynuhu qof walba oo caqli u saaxiib u ah wuu igroosgarayaa sida Culimada, Ganacsatada, Siyaasiyiinta, Isimada….”

Gaawiido ayaa yiri  ”Shacabka Puntland waxaan u sheegayaa Doorasha aad rabtaan waxa idiin qabanaya madaxeweynaha imaan doona, laakiin Siciid Deni oorashada uu qabanaya waa doorasho aan dastuurka iyo dimoqraadiyada meelna ka soo gelin oo aan la qaadan karin”

Gaawiido ayaa isagoo gobolka Mudug ka hadlaya wuxuu yiri ”Siciid Deni fikirka uu gadayo oo ah Mudug baa i taageersan oo doorasho rabta, wax ka jiraa ma jiraan dadka shalayna anagaa wax qaldan u sheegnay, doorasho aan sax ahayn baan u sheegnay hadana way fahmeen inaysan ahayn mid xor iyo xalaal ah”

About The Author