Madaxweyne Deni oo ku gacansayray waanwaantii ay wadeen Isimmada SSC

05 Dec 2023 (Puntlandes.com) Isimmada SSC-Khaatumo oo Garowe u soo gaareen xalinta khilaafka ka taagan doorashooyinka Puntland ayaa kulan la qaatey Madaxweynaha Puntland ee muddo xileedkiisu dhamaadka ayahy Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo uu kulanka goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Isimadda ayaa madaxweynaha u direy guddi kaas oo sidey fariin ah, haddii aan nahay isimmada, culimada iyo bulshada kale waxaan rabnaa in aan ku dhawaaqno xalka doorashada, sidaas darteed ka hor inta aanan ku dhawaaqin waxaan madaxweyne kaa codsaney in aad noo qoor-dhiibato, haddii aad noo qoor-dhiibato oo aad ku kalsoonaato go’aankayagu ma noqon doono mid kuu darnaan doona.

Madaxweyne Deni ayaa ka diiday Isimada inuu u qoordhiibto, isagoo codsaday in marka hore loo sheego go’aanka lagu dhawaaqi doono, taas oo isimmadu madaxweynaha uga jawabeen inaysan u sheegayn qoordhiibashaduna aysan sidaas ahayn.

Siciid Deni ayaa diidey in uu qoor-dhiibto, waxaana uu ku yiri Isimmoow dhaqan ayaad tihiin, waxaan waa siyaasad waxay u baahan tahay shuruuc, sidaas darteed isaga baxa anniguna idinkuma kalsooni in aad taladeyda idinku wareejiyo. Isimmada ayaa xusuusiyey Madaxweynaha in wakhtigiisi dastuuriga ahaa dhamaad yahay, loona baahan yahay xal.

Horey waxaa Deni ugu gacan sayrey Isimmada Puntland oo ugu horeeyo Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxa uu ka tala diidey Culimada Puntland oo uu hoggaaminaayo Sheekh Daahir Sheekh Cabdi, sidoo kale waxa uu diidey taladii ganacsatada Puntland ugu waaweyn oo ay hoggaamineysey Rugta Ganacsiga Puntland.

Kalfadhigii baarlamaanka waxaa ka dhiman afar maalmood, Xeerkii doorashada qof-iyo-cod uma codayn baarlamaanku, mana jirto sifo sharci ah oo uu ku dhaafi karo madaxweynuhu 8 Janaayo 2024ta oo ay ku egtahay muddo xileedkiisu.

About The Author