Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka horyimid go’aanka Isimada SSC

06 Dec 2023 (Puntlandes.com) Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ka horyimid go’aanka Isimada SSC, waqti yar kadib markii ay ku dhawaaqeen go’aanka.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa yiri “Go’aamadaan waxay ahaayeen kuwa lagu naxay, ma ahayn kuwo laga wada tashaday ama la isku ogaa, ujeedadu waxay ahayd in ciidamada iyo dhaq dhaqaaqyada Garowe la kala qaado.

Intaas kadib reer SSC ay isku yimaadaan dhamaantood kadibna shirweyn lagu qabto Laascaanood halkaasna tolka Loogu yeero”

Isimada dhaqanka ayeysan caado u ahayn inay ka horyimaadaan go’aan Isimo kale gaareen, lama garanayo sababta ku keliftay Garaadka.

About The Author