Axmed Karaash oo taageeray muddo kororsigii uu samaystay Baarlamaanka Puntland

07 Dec 2023 (Puntlandes.com) Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) qoraal uu soo saaray ku taageeray muddo kororsigii 1 sano ahayd ee uu samaystay Baarlamaanka Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa xalay ku dhawaaqay in Puntland aaday doorashii horey loo geli jiray ee Beeluhu ku soo xulan jireen Xildhibaanada 66 ah.

Muddo kororsiga ay sameeyeen Baarlamaanka ayaan ahayn mid haysta sharciyad waxayna muddo xileedkoodu ku egyahay 31 december 2023.

Hoos ka akhriso qoraalka Axmed Karaash:

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo u mahadceliyey Isimada dhaqan iyo guddiyadii weheliyey ee soo saaray xalka nabadeed, sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Golaha Wakiilada ansixintii xalkaas.

“Waxaan u mahadcelinayaa Isimadii dhaqanka iyo guddiyadii weheliyey ee xalka kasoo saaray Arrimihii doorashada ee muranku ka taagnaa, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee ansixiyey xalkaas, aniga oo rajeynaya inay qabsoonto doorasho hufan oo lagu wada qanacsan yahay.

Madaxweynuhu inuu aqbalo in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo meeshana laga saaro qorshihii muranka dhaliyey waa ku mahadsan yahay”.

====•DHAMMAAD•====

About The Author