Wasiir Dr C/raxman Kulmiye oo lagu xiray Hargaysa

07 Dec 2023 (Puntlandes.com) Wasiirul dawlihii hore Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda dawladda Puntland Prof. C/raxmaan Jaamac Kulmiye ayaa wuxuu maamulka Somaliland ku xiray magaalada Hargaysa.

Wasiirka oo iminka u shaqeeya Hay´adda FOA ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Hargaysa, kadibna waxaa xiray maamulka Somaliland.

Maamulka Somaliland hay´addiisa sirdoonka ayaa waxay ku eedaydaysay wasiirka inuu u shaqeeyo sirdoonka dawladda Federaalka Soomaaliya uuna Hargaysa u yimid inuu ka fuliyo fal liddi ku ah jiritaanka Somaliland waa saday u dhigeena.

Prof. Kulmiye ayaa ku takhasusay cilmiga Badda iyo Kalluunka, una aaday Hargeysa hawlo ku saabsan shaqadiisa, wuxuu wasiir ka soo noqday Xukuumadii uu madaxweynaha ka ahaa Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

About The Author