Dawladda Turkiga oo soo saartay amar lagu xirayo wiilka madaxweyne Xasan Sheekh

09 Dec 2023 (Puntlandes.com) Dawladda Turkiga, ayaa markii ugu horeysay war dawladeed, kasoo saartay shil baabuur oo dhimasho sababay, kaas oo dhacayna dhammaadka bishii November.

Shilka ayaawuxuu soo shaac-baxay maalmo kahor, iyadoo shilkaas lagu galay baabuur ay leedahay Safaarada Soomaaliya ee Turkiga, oo uu watay Maxamed Xasan Sheekh, oo uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud magaalada Istanbul oo qoraalkan soo saaray ayaa u sheegay Muwaadiniinta dalkiisa, in 6dii bishan uu dhintay muwaadin Turkey ah oo shilkaas dhaawac kasoo gaaray, 8dii bishana la amray in lasoo xiro wiilka MD Xassan Sheekh ee gaariga waday, hase yeeshee la ogaaday in 2dii bishan laga saaray dalka Turkiga.

“Dawladda Turkiga iyadoo la isticmaalaysa jid kasta oo caalami ah oo fududeynaya in lasoo qabto Tuhmanaha, ayay qaadaysaa” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xeer Ilaaliyaha guud ee Turkiga.

Dhinaca dawladda Soomaaliya ayaa ilaa hadda ka hadlin warkan oo socday maalmihii lasoo dhaafay, laakiin ay maanta ugu dambeyn ka hadashay dawladda Turkiga oo baadigoobaysa wiilka MW Xassan Sheekh.

About The Author