Xildhibaanada labada Aqal DFS oo ansixiyay miisaaniyada 2024 kadib markii Mushahaar kordhin badan loo sameeyey

09 Dec 2023 (Puntlandes.com) Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta waxa ay ansixiyeen Miisaaniyadda 2024, ka dib markii markii Mushahaar kordhin badan loo sameeyey, iyadoo loogu daray 1500$ waxayna horay u qaadan jireen 3500$.

Xildhibaannada ayaa iminka mushahaarkoodu noqonayaa 5000$ bishii, waana mid aysan qaadi karin shacabka Spoomaaliyeed.

Mushashaarka Xildhibaannada labada Aqal  oo kooban 54 Aqal sare iyo 275 Golaha Shacabka oo isu gayn ah 329 mudane ayey bishii mushaarkoodu wuxuu noqonayaa 1 645 000$, halka uu sanakii noqonayo 19 740 000$.

Mushahaar kordhinta uu hadda madaxweyne xasan Sheekh u sameeyey ayaa ah ku dhawaan 6 000 000$ sanadkii.

About The Author