Madaxweyne Deni oo  Maxkamadda Dastuuriga ah ka dalbaday inay go’aan ka gaartoo muddo-kororsigii uu sameystay  Baarlamanka Puntland

10 Dec 2023 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland ka dalbaday in ay go’aan ka gaarto muddo kororsigii sannadka ahaa ee ay sameysteen Baarlamanka Puntland, ka dib guddoonkii Isimmada SSC-Khaatumo, sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay.

Waxa la filayaa in maxkamaddu waxba kama jiraan ka soo qaaddo muddo kororsigaas, ka dibna wuxuu madaxweyne Deni soo saarayaa Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Baarlamanka 6aad ee Puntland.

Tani waxay imanaysaa xilli Senator Faroole xalay kulamo kala duwan la qaatay Guddoonka Baarlamanka, Mucaaridka iyo Madaxtooyada, si laysugu soo dhoweeyo Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamanka & madaxeweyne kuxigeen Karaash oo isku dhinac ah oo iyagu ayidsan muddo kororsiga Golaha Wakiillada.

Hayeeshee dadka agdhow labada dhinacba waxa ay qabaan in ay ku dhammaan karto Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo laysla fahmo.

About The Author