Maxkamadda Dastuurig Puntland oo laashay go’aankii Baarlamanka Puntland ku ansixiyay mudda kororsiga halka sano ah

10 Dec 2023 (Puntlandes.com) Maxkamadda dastuuriga ah ee dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba hadda laashay go’aankii Baarlamanka Puntland ku ansixiyay mudda kororsiga halka sano ah.

Go’aan rasmi ah oo ka soo baxay maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland ayay ku laashay mudda kororsiga Baarlamanku samaystay, sida aan ka xaqiijinay xubno sare oo ka tirsan maxkamadda.

Maxkamaddu ma kala dirin Baarlamanka, balse waxay go’aamisay in si toos ah loo aado doorashada Baarlamanka iyo Madaxtooyada sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay.

Xukuumadda Puntland ayaa Sabtidii shalay maxkamadda u gudbisay qoraal ay ku codsanayso in maxkamaddu go’aan sharci ah ka soo saarto arrinta Baarlamanka.

About The Author