Axmed Karaash oo keligii talisnimo ku eedeeyey Siciid Deni

11 Dec 2023 (Puntlandes.com) Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa qoraal uu soo saaray ku eedeeyey madaxweynaha Puntland Siciid cabdulaahi Deni keligii talisnimo iyo awood marooqsi.

Tani waxa ay imanaysaa xilli laysku-mari la’yahay guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka, kaas oo Deni doonayo inuu soo magacawdsa xubno u booba kuraasta Baarlamaanka cusuc.

Hoos ka akhriso qoraalka Axmed Karaash:

Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil.

Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho.

About The Author