Madaxweyne Deni oo magacaabay guddiga amniga doorashada Puntland

12 Dec 2023 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 68 ee 12-da December 2023 kuna saabsan Guddiga Amniga Doorashada.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiis 80-aad

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la adkeeyo ammaanka mudada doorashadu socoto.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay Guddiga Amniga Doorashooyinka xubnaha hoos ku xusan oo kala ah:-

1. Wasiir Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Guddoomiye)

2. Lataliye Cabdi Xirsi Cali Qarjab (Xubin)

3. S/guuto Muumin Cabdi Shire (Xubin)

4. S/guuto Aadan Cabdi Xaashi (Xubin)

5. S/guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) (Xubin)

6. S/guuto Jamaal Carab Yuusuf (Xubin)

7. S/gaas Muxiyadiin Axmed Muuse (Xubin)

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

About The Author