Xarunta Baarlamaanka Puntland oo ay la wareegeen ciidamo ka amar qaata Madaxtooyadda

Madaxtooyadda Puntland ayaa Ciidamo dul dhigtay xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garowe oo gudoonkoodu ku doodayo meel marinta go’aankii Isimada SSC-Khaatumo ee muddo kororsiga u sameeyey mudada xilhaynta Baaralamaanka hadda wakhtigu dhammaadka ka yahay .

Xaruntaan ayaa maamulka rabaa inay ku howlgalaan xubnaha Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansaxinta Baarlamaanka cusub oo siwadajir ah uga soo horjeedaan magacaabistooda Madaxweyne ku xigeenka , Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xubnaha Daladda Mucaaradka Puntland qaybtood.

About The Author