WQ ISMAIL AW MUSSE: XOGTA NOOCA DOORASHO EE SICIID DENI KA WADO PUNTLAND!

Qoraalkii aan qorey horaantii bishii Nofeembar 2023, oo aan cinwaan uga dhigey “Ciyaarta Siyaasadeed ee Deni, Mashquulinta Mucaaradka, Dhalanteedka Xisbiyada iyo Shacabka jaahwareersan” ayaan ku sheegay in Siciid Deni aanu dalka ka hirgelin doonin doorasho xisbiyo ku dhacda, waxaan isla qoraalka ku sheegay in uu jeedin doono khudbadda “ilmada yaxaaska” oo uu eeda cid kale dusha ka saari doono, sidoo kale isla qoraalkaas waxaa kamid ahaa in uu ka shaqeynaayo doorashadii Lifaaqa ee 66 xildhibaan istraatiijiyad ka lee yahay sidii uu ku guuleysan lahaa.

Haddaba xogta aan ka helnay nidaamka doorasho ee Madaxweyne Deni wado ayaa ah.

1. Guddiga Xalinta Khilaafaadka badankood waa taageerayaal la dhimanaaya madaxweyne Deni

2. Guddigu waxa uu go’aanka ku gaarayaa hal dheeri taas oo ahayd mid aan horey u jirin.

3. Qodob afaraad ayaa lagu daray shuruudaha Xildhibaanka taas oo dastuurka laga soo qaadan jirey waxaana lagu daray warqadda CID da taas oo uu bixinaayo Madaxweyne Siciid Deni

Wax ka beddelka habka xulista

Beeluhu waxay ahaayeen kuwo u madaxbanaan nidaamka xulista, waxay wax ku qaybsan jireen waxa loo jaqaan kaltanka, sida (yaa fadhiyey hadda, iyo yaa federaalka fadhiya) nidaamkan cusub ee madaxweyne Siciid wado ayaa ah.

1. Beesha iska leh Xildhibaanka in la yaqaano, haddii la beddeli karo in la beddelo

2. In Musharixiintu ay la yimaadaan saxiixa nabadoonada beeshooda.

3. Looma baahnaa ISIMKA guud ee reerka u saxiixi jirey Xildhibaanka ee lagu socdey ilaa 1998, musharaxa la yimaadaa waa fiican yahay laakiin shardi maaha

4. Xildhibaanada loo baahan yahay waa in ay noqdaan kuwo aan siyaasadda lagu aqoon, haddey doonaan reer baadiye ah, qaraabadu waa muhim

5. 17 Xildhibaan ee SSC-Khaatumo waa kuwo diyaarsan oo qoran, kuwa hadda joogana waa beddel, in badan waxaa laga qaatey ciidanka PMPF

6. Sanaag waxaa laga fulinayaa si lamid ah boobida beelaha, waxaana saxiixi kara nabadoonada cidii isinka saxiixiisa soo qaadan karta waa fiican tahay laakiin looma baahna, Madaxweynuhu waxa uu gorgortan ula jiraa isimka guud in 9 xubnood isaga u so qoro ama u daayo.

7. Warqadda C.I.D qofkii la rabo in la reebo waa loo diidiayaa

8. Waxaa la yiri musharax kastaa ha soo qaato saxiixyo badan oo dhalinyarada beeshiisa ah in ay taageereen

9. Guddigu xalinta khilaafaadku waxa uu si toos ah u hoostagaa madaxweynah.

Kadib markii aan aragney dhalinyaro badan oo facebook ku shacinaya musharixiin yihiin, waxaan samayney in aan qaarkood waraysano, waxay noo sheegeen in Madaxtooyada Puntland iyo guddiga ololaha dib-u-doorashada Madaxeyne Deni ay soo direen, waxaaa naloo sheegay in aan la nimaano saxiixa nabadoonka oo keliya, haddii aad ISIMKA guud soo heshaan waa fiican tahay, haddii aad ISIMKA jifiyaha hoose ee aan horey saxiixa u lahayn soo heshaan ma xuma.

Kuraasta Madaxtooyadu u aragto in aysan dhex geli karin waxay gelisey buuq iyo jaahwareer badan.

Musharixiinta PUntland

Musharixiinta Puntland waxay u kala baxeen laba qaybood, qaar ay ka muuqato in ay is dhab ah u fahamsan yihiin ciyaarta Deni ee uu isku dooranaayo, xildhibaano uu soo xulanaayo, waxaana ka mid ah Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi iyo Xasan Shire Cabdi, labadan musharaxa waxay lee yihiin khibrad hore, laakiin inta kale Mushariiinta waxaad moodaa in aysanba fahamsaneyn Game-ka meesha ka socda waxaana ay la dhacsan yhiin albaabka gaariga ee laga furaayo iyo kaamarooyinka dabacyaacaya.

WQ Ismail Aw Musse

About The Author