Madaxweynaha Puntland, Ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku heshiiyey 2 qodob

18 Dec 2023 (Puntlandes.com) Shir ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa looga hadlay Doorashada Puntland, waxayna ku heshiiyeen labo qodob.

Qodobada ayaa waxay yihiin:

1. In Guddiga Madaxweynuhu magacaabay ee ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland sidiisa loo daayo.

2. In Baarlamaanka imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraaci uu ku yimi Baarlamaankii 5-aad, oo mudo xileedkiisa ku eg yahay 31 December 2023.

Waxaa u dhexeeyey madaxdaan khilaaf wayn oo ku saabsanaa guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka oo uu madax´weyne Deni u magacaabay saaxiibadiis iyo qaraabadiisa.

About The Author