Sawirro: Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ku wareejiyey Guddiga Ansixinta & Xalinta Khilaafaadka Diiwaanka Galalka habraacyadii soo jireenka ahaa

19 Dec 2023 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa isagoo ka duulaya Heshiiskii uu laa galay madaxweynaha ee Doorashada wuxuu ku wareejiyey Diiwaanka Galalka habraacyadii soo jireenka ahaa ee lagu soo xuli jiray Xubnaha Golaha Wakiillada si guddiga ugu fududaato gudashada waajibaadkooda asixinta iyo xalinta khilaafaadka Baarlamaanka 6-aad ee Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa amray Xoghayaha Guud iyo dhammaan hawl-wadeenada Goluhu in ay la shaqeeyaan Guddiga, una fududeeyaan wixii shaqo ee uga baahdaan muddada ay ku shaqeynayaan Xarunta Golaha Wakiillada.

About The Author