Dr Gaas oo si xoogan looga dareemayo soo dhaweyntiisa xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo

Ra’iisul wasaare hore ee Soomaaliya isla markaasna ah Madaxweynihii hore ee dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si xoogan looga dareemayaa soo dhaweyntiisa xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Dr Gaas ayaa maalinta berri ah ku soo wajahan magaalada Gaalkacyo, iyadoo qaban qaabo xoogan loogu jiro soo dhawayntiisa.

Dr Gaas oo ah oo ahaa madaxweynaha Puntland 2014-2019 isla markaasna iminka ah musharax madaxweynaha dawladada Puntland 2024-2029 ayaa la filayaa inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo inuu yahay musharax Madaxweynaha Puntland.

Dr Gaas ayaa lagu xusuustaa inuu markuu madaxweyanha ahaa fuliyey mashaariic Kaabayaasha Dhaqaalaha u badan oo ay ka mid yihiin labo Garoon Diyaaradeed oo caalami ah dhamaystirkooda (Bosaso & Garowe), Wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo, bilowga dhismaha Dekedda Garacad, bilowga dhismaha Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo oo ay hakisay Xukuumada Siciid Deni, heshiiskii Balaarinta iyo casriyeynta Dekedda Bosaso, Dhismayaal dawladeed oo faro badan, Ceelal Bilood oo faro badan………

About The Author