Muuqaal: Isimmada SSC-Khaatumo oo go’aamiyey inaysan Xildhibaano usoo xulayn Puntland kana madaxbanaan yihiin

23 Dec 2023 (Puntlandes.com) Isimmada SSC-Khaatumo ayaa go’aamiyey in ay yihiin maamul madaxbannaan, sidii ay ku dhawaaqeen bilowgii sannadkan, iyagoo caddeeyey  inaysan soo xuleyn xildhibaannadii ay hore ugu lahaayeen Puntland.

Sidoo kale waxay goaamiyeen in qof iyaga ka soojeeda uusan isu sharixi karin madaxweyne kuxigeen iyo xil kale toona.

Ugu dambayn waxay ugu baaqeen ina labada xubnood ee ay ku leeyihiin guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ay is casilaan.

SSC-Khaatumo ayaa Baarlamaanka Puntland ku lahayd 17-ka xildhibaan oo kasoo kala imaan jiray deeganadooda.

About The Author