Boqor Burhaan oo ku baaqay in shir dag dag ah la iskugu yimaado kadib goaankii Isimada SSC

24 Dec 2023 (Puntlandes.com) Boqor Burhaan ayaa ku baaqay in shir dag dag ah la iskugu yimaado kadib markii isimada SSC ay iskaga baxeen ka qayb galka doorashada Puntland

——–

Ugu horreyn waxaan soo dhaweynayaa oo ku ixtiraamayaa go’aankii Isimmada SSC-Khaatumo ay ka gaareen aayahooda. Waxaan shacabka Puntland ugu baaqayaa in ay is dejiyaan, waxaan rajeynayaa in aysan wax dhib ah dhaceyn.

Maadaama xaaladda guud ee dalku is beddeshey taas oo ku timid si degdeg ah, isla markaana ku beegantey wakhti xasaasi ah.

Waxaan ku baaqayaa in Isimmada Puntland shir degdeg ah isugu yimaadaan si looga tashado AAYAHA PUNTLAND.

Waxaan maamulka Puntland, Musharixiinta iyo Siyaasiyiinta kale ugu baaqayaa in meel la iska dhigo faraqa u dhexeeya loona midoobo badbaadinta Puntland.

Mar labaad waxaan ugu baaqayaa Isimmada, culimada, aqoonyahanka iyo haldoorka in loo guntado badbaadinta Puntland oo la isugu yimaado shir.

Wabillaahi towfiiq

About The Author