Akhriso Golaha Musharaxiinta madaxwaynaha Puntland oo war adag ka soo saaray arimaha doorashada Puntland una digay…

24 Dec 2023 (Puntlandes.com) Golaha Musharaxiinta madaxwaynaha Puntland ayaa war adag ka soo saaray arimaha doorashada Puntland una digay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay.

Golaha ayaa ka hadlay go’aankii bixitaanka SSC-Khaatumo, waxayna sheegeen:

Waxa loo baahan yahay heshiis kala-guur, si SSC-Khaatumo uga baxdo Puntland, waana in aan la soo xulin xildhibaannada SSC ka hor 31 December, inta laga heleyo heshiis loo dhan yahay.

Dhinaca kale waxa ay walaac ka muujiyeen hannaanka xulista xildhibaannada Baarlamanaka; iyaga oo ku eedeyey Madaxweyne Deni in uu ‘isagu xulanayo’ waa sida hadalka u dhegeene.

Musharrixiintu waxa ay dalbadeen in meesha laga saaro warqadda denbi la’aanta CID ee lagu xidhayo qof xildhibaan raadinaya iyo in la helo isimmo korjoogto ah oo hannaanka xulista xildhibaannada Baarlamanka lixaad ee Puntland la socda.

About The Author