Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo heshiis ka gaaray wax ka bedelka Dastuurka

26 Dec 2023 (Puntlandes.com) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ahaa xubnihii ugu cad-cadaa Midowgii Musharaxiintii hore ayaa shalay kulankoodii labaad ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada.

Kulankan oo dood iyo falanqeyn dheer laga yeeshay arrinta wax ka bedelka Dastuurka, Nidaamka uu madaxweyne Xasan Sheekh rabo in xukunka dalka u ku saleeyo sida Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen, iyo labo xisbi siyaasadeed iyadoo ugu dambeyn la isla gaaray is faham hordhac ah.

1- In la soo dhamaystiro xubnaha madasha wadatashiga qaran oo go’aanadeedu wadar-ogolka yihiin. Taasoo ka dhigan in Puntland lagu soo qanciyo geeddisocdka qabyotirka dastuurka.

2- In habraaca wax ka bedelka dastuurka loo maro habraaca ku xusan cutubka 15-aad ee dastuurka oo aan meel looga leexan. Si taas loo suura geliyana in marka hore wadatashi dadwaynaha laga hormariyo Baarlamaanka.

3-In la magacaabo guddi xildhibaanno ah oo ka dooda, isbarbardhiga, kana soo tala bixiya nidaamka dowladnimada ee Madaxtooyada iyo Barlamaaniga ah, iyagoo ku eegaya xaaladda dalka

4- In la is waafajiyo xaalada Somaliland iyo wax ka bedelka ee hannaanka siyaasadeed ee dawlada.

5- In guddoonka labada aqal qayb ka noqdaan go’aanada lagu heshiiyey

6- In arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo asxaabta looga heshiiyo hannaanka lagu qabyo tirayo xeerarka asxaabta iyo doorashooyinka.

About The Author