Ciidamadii Madaxtooyadda Puntland oo mushahaar la’aan uxiray wadada Madaxtooyada iyo Wasaaradaha

27 Dec 2023 (Puntlandes.com) Ciidamadii Madaxtooyadda Puntland ayaa waxay mushahaar la’aan ay ka Gadoodsan yihiin u xirteen wadada Madaxtooyada iyo Wasaaradaha.

Madaxwaynaha mudo xileedkiisa 10ka maalmood ka hartay ayaa ku guuldaraystay in uu bixiyo mushahaarka Ciidanka iyo shaqalaha dowlada mudo sanad ka badan, isagoo maalmihii la soo dhaafay, Lacag malaayiin dolar ah kala baxay khasnada dowlada taas oo u isticmalaay boobka kurasta Barlamaanka.

About The Author