Golaha Musharixiinta oo warsaxaafdeed ka soo saaray boobka baahsan ee ka socda xulidda xubnaha Golaha Wakiilada

27 Dec 2023 (Puntlandes.com) Golaha Musharixiinta ayaa warsaxaafdeed ka soo saaray boobka baahsan ee ka socda xulidda xubnaha Golaha Wakiilada iyo qaabka doorashada loo gelayo maadaama la diiday xubnihii 17ka ahaa ee Gobollada SSC ku matalayay Puntland.

Musharrixiinta Madaxweynaha Puntland oo ay tiradii ugu badnayd ku shireen Xarunta Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa kalsoonida kala laabtay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Baarlmanka, iyagoona aqbalay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan oo aysan ka qayb-gelin SSC-Khaatumo.

About The Author