Sawirro: Xasan Sheekh, Muse Bixi & Ismail Cumar Geelle oo Jabuuti ku kulmay

28 Dec 2023 (Puntlandes.com) Waxaa dalka Jabuuti ku kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh, madaxwynaha Somaliland Muuse Biixi iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka ayaa sida Villa Somalia shaacisay waxa uu ku saabsan yahay sii amba-qaadayo wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaal ka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wafdi uu hoggaaminayo waxay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Jibriil Cabdirashiid iyo  Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Sidoo kale wafdiga Muuse Biixi ayaa waxay yihiin wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Aadan Buuxane iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa wefdiga Madaxweynaha.

About The Author