Muuqaal: Abiy iyo Muuse Biixi oo kala saxiixday is-afgarad Itooboya lagu siiyey BAD 

01 Jan 2024 (Puntlandes.com) Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday is-afgarad (Momentum of Understanding) taariikhi ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy. 

Is-afgaradka waxa uu u gogol xaari doonaa ka dhabeynta hamiga Itoobiya ee ku aaddan xaqiijinta inay marin u hesho badda iyo kordhinta dekedaha kala duwan. Is-fagaradka waxa kale uu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. 

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo. 

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda.

“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horreeyey ee aqoonsada Somaliland marka heshiiska la saxiixo, anagana waxaan noqon doonnaa dalkii ugu horreeyey ee bad 20 km ah siiya Itoobiya,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Waxaa xusid mudan in warqadda kasoo baxday xafiiska Abiy Ahmed aanu lagu xusin aqoonsiga uu shaaciyey Muuse Biixi. Hase yeeshee Muuse Biixi waxa uu caddeeyey in arrintaas ay ku qoran tahay is-afgaradka la kala saxiixday.

Xafiiska Abiy Ahmed wuxuu sheegay in is-afgaradka uu xaqiijinayo horumarinta danaha labada dhinac.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ilaa iminka wax jawaab ah ka bixin is-afgaradka.

“Maxaa kale oo aan dhahnaa oo aan aheyn alle ayaa mahad Leh” RW Abiy Ahmed oo ka hadlaya Heshiiska Taariikhiga ah ee ay heshay Itoobiya.

Warar ay qortay saxaafadda madaxa banaan ayaa waxay sheegaysaa in dawladda Itoobiya ay Somaliland”Share” ka siisay shirkadda Ithiopian Airline.

About The Author