Dowlada Soomaaliya oo fartay in dalka uu deg deg ku soo galo Safiirka Itoobiya inoo jooga

02 Jan 2024 (Puntlandes.com) Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa maanta si rasmi ah uga amba bixi doona Addis Ababa isagoo ku wajahan caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho, kadib go’aankii goor dhowayd kasoo baxay Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Go’aankaas oo salka ku haya in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u aragto tallaabada ay qaaday Dawladda Ethiopia mid xad gudub weyn ku ah madax banaanida Soomaaliya, isla markaana ay carqalad iyo xasilooni darro u horseedi karto Gobolka Geeska Africa.

Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u caddaysay inay si buuxda u difaacayso dalkeenna iyo dadkeenna Soomaaliyeed.

About The Author