Dhagayso: Wararkii u dambeyey ee ku saabsan Taliye xigenki hore ee Boliska PL iyo taliyihi hore e PIA o gadoodsan horkacaya Malayshiyo Beeled
23 Jun 2015 (Puntlandes) Waxaa ka taagnaa bilihii u dambeeyey Caasimada Puntland ee Garowe iyo hareeraheeda dhibaatooyoin abuuri kara Amni xumo iyo bur-bur dawladeed kadib markii ay amardiido sameeyeen Taliye xigeenkii hore ee Booliska Puntland Gen Muxiyadiin iyo taliyihii hore ee PIA Cabdi Yare iyagoo diidan inay xilka wareejiyaan kadib markii uu ka qaaday Madaxweyne Cabdiwali Maxamed cali Gaas.
Muddo dheer ka dib waxaa si magac ahaan ah u wareejiyey xilkii taliyihii hore ee PIA Cabdi Yare isagoo la haray Hubkii iyo ciidam badan oo ka tirsanaa ciidamada PIA Puntland maadaama ay Beeshiisa u badnaayeen.
Waxaa isagu wali aan wareejin xilka xataa magac ahaan Taliye xigeenkii hore ee Booliska Puntland Gen Muxiyadiin isagoo aad moodo QABQABLAYAASHII koonfurta ayuu wuxuu Isbaaro dhigtaa hadba meel.
Waxaa gacanta Gen Muxiyadiin ku jira Ciidamo badan oo ay lahayd dawlada Puntland iyo qalabkoodii sababtuna waxaa weeye Ciidamada oo markii hore Beel ahaan lagu qoray aana daacad u ahayn Puntland ee daacad u ah Gen Muxiyadiin.
Maxaa la gudboon Beesha Nugaaleed
Puntland waa la wada leeyahay, Garowe na waa caasimada Puntland, waa in sida Puntland loo wada leeyahay Caasimadana loo wada lahaan karaa, uguna shaqayn karaan madaxda Puntland kuna dareemi karaan inay leeyihiin dhamaan muwaadiniinta reer Puntland.
Gen Muxiyadiin iyo Cabdi Yare ma wadaan dan Puntland iyo mid Nugaaleed ee maxaa loo qaban la’yahay? 17 sano kadib masanaa looga dhaqmayaa caasimadii dhamayd ee Puntland?
Beesha Nugaaleed waxaa la gudboon inay soo celiso hantida dawlada ee ahayd Hubka faraha badan iyo Ciidanka kana qabato Puntland labadan nin oo u xuubsiibtay markii xilka laga qaaday Isbaaraystayaal aan waxba xeerinayn.
Waxaa amaan mudan waxgaradka faraha badan ee ka midka ah Beesha Nugaaleed dadaalka wayna ugu jira sidii ay ku xalin lahaayeen dhibaatadan
Dawladnimo waa dhaqan dawladnimo, hadaynaan taas wada ilaalina waxba inooma suuroobayaan dawladeenuna way burburaysaa. Xaggee dawladnimo ka soo gashaa madaxweyne xilkii ka qaaday taliye xigeen Ciidan oo intuu ciidankii iyo hubkii qaatay diiday inuu xilka wareejiyo Caasimadiina ku dhex mushaaxaya.
Gaas waanu dhaliili karnaa mucaaradna waan ku noqon karnaa laakiin saan dawladnimo maaha. Arrintan wax badan bay soo jiitantaye waa in xal deg dega laga gaaraa.
Dhagayso wararkii u dambeeyey ee ku saabsan arrinkan
Puntlandes.com