BAARLAMAANKA JFS OO SAARAY XEER KU AADDAN BURINTA IS AFGARADKA MAAMULKA SOOMALILAND IYO ETHIOPIA

02 Jan 2024 (Puntlandes.com) Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa waxay soo saaray xeer ku aaddan burinta is afgaradka maamulka Somaliland iyo Ethiopia, kaas oo xadgudub ku ah dhulka Soomaaliya.

Xeerka ayaa lagu yiri “Heshiiskii is-afgarad ay dhexmaray Dowladda Ethiopia iyo Somaliland ee Jannaayo 1, 2024 lagu gaaray magaaladda Adis Ababa, waa waxba kama jiraan aan lahayn saldhig sharciyadeed, maadaama uu ka hor imaanayo Dastuurka Dalka, Shuruucada Caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afriga iyo Xeerka lagu aasaasay Urur Goboleedka IGAD, iyo Qaraarrada Caalamiga ah ee Golaha Ammaanka oo xeerinaya madaxbannaanida Dalka, iyo Xeerka Maalgeshiga Shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan”.

About The Author