Madaxweynaha Soomaaliya oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar

02 Jan 2024 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Labada shacab ee walaalaha ah.

Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah ee gobolka.

Madaxtooyada Masar ayaa shaacisay in Madaxweynaha Masar uu balan-qaaday in uu garab taagan yahay dawladda Soomaaliya, gaar ahaana dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Arrimaha gobalka.

Wada hadalka labada Madaxweyne ayaa kusoo beegmay, xili xiisada diblumaasiyadeed ee Itoobiya iyo Soomaaliya uu xumaaday, markii ay Addis Ababa heshiis kula gashay Somaliland in ay siiso qeyb kamid ah Biyaha Soomaaliya.

About The Author