Itoobiya oo Af-Soomaali ku soo saartay Heshiiska ay la gashay Somaliland ee ku dooneyso Badda Soomaaliyeed

03 Jan 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Itoobiya oo si bareer ah u shaacisay inay qaadan doonan doonto dhul Soomaaliyeed ayaa Af-Soomaali ku soo saartay Heshiiska ay la gashay maamulka Somaliland ee ku dooneyso Badda Soomaaliyeed.

Itoobiya oo dadkeeda u faahfaahineysa heshiiska ay ku dooneyso Badda Soomaaliyeed ee ay la gashay Muuse Biixi ayaa war-saxaafadeed ku tirii:

“Heshiiskani wuxuu abuuray fursad lagu daweyn karo diiqadda iyo welwelka da’da weyn ee dalkeenna Itoobiya haystay. Dhacdadani waa mid soo marta nolosha halmar ee aynu fursaddan uga faa’ideysanno sidii aynu dalkeenna u badbaadin lahayn.”

About The Author